Zope Building KM5
Mogadishu, SO 252
+252 61 5819059
+252 61 8763906
[email protected]
[email protected]

Web Designing in Somalia – 6 Tallaabo

Web Designing in Somalia - 6 Tallaabo
by

HEERARKA UU MARO SAMAYNTA WEBSITE
Samaynta ama naqshadaynta mareegta ama website-ku waxay martaa dhowr heer oo kala duwan oo midba mida kale ay xiriir la leedahay si loo helo ugu dambeynta website bilic leh shaqadiisana kasoo baxa. Hanaankan dheer ee loo marayo sida loo sameeyo website ayaa waxaan kusoo koobaynaa 6 tallaabo oo mid mid aynu u sharixi doono.




6 TALLAABO OO LA XIRIIRA SAMAYNTA WEBSITE
1. Discovering – U KUUGELID
Qodobka koowaad waa in loo kuurgalo baahida macmiilka iyo sidii loo samayn lahaa xog ururin looga gol leeyahay sidii wax badan looga ogaan lahaa ganacsiga macmiilka, dadka dukaamaysatada ah ee macmiilku beegsanayo iyo hadafka websiteka loo abuurayo. Waa tallaabo muhiim ah in aad marka hore wax ka ogaato shirkadda aad wax u samaynayso, cida ay beegsanayso ee wax ka iibsanaysa, cida la tartamaysa ee ganacsi la mid ah haysata, ujeedada websiteka loo samaynayo, dadka la filayo inay soo booqanayaan websiteka iyo tan ugu sii muhiimsan ee ah miisaanayadda dhaqaale ee shirkaddaasi ugu talo galayso inay ku maalgeliso websiteka.
2. Planning – QORSHAYN
Sida xog-ururintu ay lama huraan u tahay ayaa waxaa sidoo kale muhiim ah in la sii qorsheeyo sida uu u ekaan doono websiteku, waxa la gelinayo oo lasii qorsheeyo, sidii loo kala hormarin lahaa howsha oo lasii qoondeeyo, kaalinta la filayo in websiteku ka galo baraha bulshada oo lasii diyaariyo, heerka uu ka gali karo hanaanka wax baaridda Google oo laga sii baaraandago iyo qaabka guud ahaan laga rabo in websiteku noqdo oo lasii baaro. Dadka soo booqanaya websiteku ma waxay badi isticmaalayaan computer mise mobile mise aalado kale, ma website wax laga iibsado ayuu noqonayaa mise wax laga baarto ama macluumaad laga helo ama wax laga barto. Markii la isla meel dhigo nooca website ee uu noqonayo ayaa loo galayaa qorshaynta websiteka laysku afgarto.
 3. Designing – NAQSHADAYN
Qodobkani waa heerka ugu muhiimsan uguna howl badan ee dhisidda websiteka waxaana soo galaya diyaarinta naqshado qurxoon oo bogga hore ah, samaynta logo ama shicaar websiteka loo adeegsado, diyaarinta bog kasta oo websiteka qeyb ka ahaan kara iyo helidda xogtii la gelin lahaa bog kasta. Badanaa waxaa soo geli kara heerkan sadexaad adeegsiga barnaamijyo kala duwan sida Photoshop ama Illustrator oo loo adeegsanayo diyaarinta naqshadaha qurxoon ee websiteka, PHP, Joomla, WordPress ama Dreamweaver oo loo adeegsanayo qoridda ama dhismaha ugu dambeeya ee websiteka. Markii howsha dhismaha iyo naqshadayntu dhamaato waxaa la hubinayaa siday bog kastaa u shaqeynayo iyo falgalka laga filan karo marka ay macaamiishu riixaan ama booqdaan bog kasta.
 4. Development – HORMARIN
 Darajada afaraad waxay si toos ah ula xiriirtaa naqshadaynta websiteka waana horumarinta xargihii aad isku soo xirxirta iyo siday u noqon lahaayeen website dhamaystiran oo qofku markuu soo galo aysan ka hor imaan bog maran ama meel RIIX ah oo markii la riixo aan shaqadii laga rabay aanan qabanayn. In la hormariyo bogga la dhisay ayaa ah howl muhiim ah si websiteku u noqdo mid shaqadii laga rabay gaaray. Tusaale ahaan horumarintu waa marka aad dhisto website qurxoon oo aad u samaysay shirkad dharka iibisa, waxaad gelisay tirada surweel ee aad rabto in la iibsado balse markii tiradii dharka ahayd la iibsaday oo ay dhamaatay ayaa waxaa laga yaabaa in macaamiil kale oo rabtay isla dharkaas inay iibsadaan ay soo booqdaan bogga balse aysan jirin barnaamij nidaamsan oo u sheegaya in dharkii bakhaarka ku jiray uu dhamaaday taasoo dhalinaysa in qofka dukaamaysanayay uu ku wareero.
 5. Launching – BILLAABID
Heerkani waa heerarka ugu dambeeya iyadoo la soo gaaray kolkii la kicin lahaa ama hawada la gelin lahaa shaqadii websiteka ee dhowrka dabaqadood soo martay. Waxaa muhiim ah inaad tijaabiso in wax kasta sidii laga rabay ay u shaqeynayaan maadaama heerkani marka la joogo uu dadweynuhu arkayo websitekaaga. Waxaa sidoo kale laga maarmaan ah inaad sidoo kale hubiso sida uu kusoo baxayo websiteku markii laga galo aalado kala duwan sida computer, mobile, ipad iwm. Bulshada soo galaysa websiteka ayaa sidoo kale laga helaa talooyin iyo tusmooyin waxtar noqon kara marka waa hubaal in wax badan oo qarsoonaa ay indhaha booqdayaashu qaban doonaan.
 6. Maintaining – DAYACTIR
Tallaabada ugu dambeysa waa daryeelidda iyo dayactirka websiteka si uu ula qabsado maalin walba heerka ay joogto. Badanaa waa aad caadi u noqday in ganacsatada iyo shirkadaha Soomaalidu ay website sameystaan balse halkii looga kala dareero oo aan loo helin cid sii hormarisa ama sii wada howlaha waxkabadal iyo waxkudarid ee loo baahnaa si websiteku ula jaanqaado heerka laga rabay iyo iyadoo waa tan muhiimsaniye loo hubsado in amaankiisu sugan yahay maadaama hadii aan laga warheyn ay saamayn karaan jeermisyada loo yaqaan virus.





Brief: Dalabmedia, An Awesome Web Design Company

Dalabmedia is a leading Website Designing Company in Mogadishu Somalia. We provide all IT services – SEO, website design services, PPC & web hosting, web site development in Mogadishu Somalia. Established in September 2017 and headquartered in Mogadishu, Dalabmedia.com offers high quality and professional IT solutions and services to meet the evolving needs of businesses across the globe. We deliver innovative web solutions to clients by helping them identify their most important business and technology opportunities and capitalising on them. We also provide solutions to help them overcome their most complex and critical challenges.

Our Web Design Services
1. Website Designing
2. Web Development
3. Web Promotion (SEO)
4. Website Maintenance
5. Business E-mail Solutions
6. E-commerce Solutions
7. Digital Marketing Initiatives
8. Domain Registration/ Transfer/ Renewal
9. Website Promotion
10. Corporate Branding


We are a Web Designing and Hosting Services Provider in Mogadishu Somalia. Founded in 2017, Dalabmedia has quickly grown to become a leader in Professional Web Designing and offers superior, reliable and affordable Web Hosting to individuals and small businesses.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *