Zope Building KM5
Mogadishu, SO 252
+252 61 5819059
+252 61 8763906
[email protected]
[email protected]

Somalia And Internet – Faa’iidada Websiteku u Leeyahay Ganacsigaaga

Somalia Internet - Dalabmedia Somalia And Internet - Faa'iidada Websiteku u Leeyahay Ganacsigaaga
by

Somalia And Internet – Faa’iidada Websiteku u Leeyahay Ganacsigaaga

Faa’iido Noocee ah Ayuu Website u Leeyahay Horumarin Ganacsigaaga? Si su’aashaas aynu uga jawaabno aynu marka hore wax ka barano waxa uu qabto website amase sida Soomaalida qaar u yaqaanaan mareeg. Website waa mareeg loo adeegsado in lagu soo bandhigo warbixinta shakhsi, shirkad ama shay gaar ah oo aad ka hadlayso. Websiteku waa nooc ka mid ah qaababka wax loo xayeysiiyo iyadoo ay fududahay in akhristayaashu mar kasta ama saacad kasta soo booqdaan kana helaan macluumaad badan ay ay dhib kugu ahaan lahayd inaad mar kasta u sharaxdo macaamiishaada. Waxaad websiteka u adeegsan kartaa inaad ka dhigto goob dadku wax ka iibsan karaan lagu soo bandhigo badeecado kala duwan sida dharka, qalabka elektrooniga iyo wixii la mid ah.
Waxaa sidoo kale websiteka isticmaali kara dugsiyada ama jaamacadaha oo kusoo bandhigi kara koorsooyin waxbarasho ama noqon kara meel ay ardaydu macluumaad ka heli karaan ama iska diiwaan gelin garaan si ay xubno uga noqdaan galaas waxbarasho iwm.
Website waa mareeg loo adeegsado in lagu soo bandhigo warbixinta shakhsi, shirkad ama shay gaar ah oo aad ka hadlayso
Hadaba maadaama dalkeena Soomaaliya ay maanta hormar fiican ka gaartay qadka internetka, waxaa soo badanaya bulshada Soomaaliyeed ee aad u isticmaalaya internetka ha noqoto in ay ku badan yihiin baraha bulshada oo noqotay goob ay dadku kuwada xiriiraan, ku kala warqaataan ama soo dhigaan waxyaabaha ku cusub sida qoraallo, muuqaallo iyo sawiro. Waxaa sidoo kale soo badanaya dadka booqanaya bogagga ganacsi si ay xog uga helaan badeecadaha ay doonayaan amaba uga ibsadaan ila websitekaas dhexdiisa hadiiba ay suuragal tahay.
Hadaba hadal badan haan ma buuxshee, aynu halkan kusoo koobno faa’iidooyinka uu website-ku u leeyahay ganacsigaaga:

Somalia And Internet – Faa’iidada Websiteku u Leeyahay Ganacsigaaga

Kalsoonida Macaamiisha

Waayahan dambe dadka adeegtaa waxaa badan inay marka hore internetka galaan oo eegaan bal shirkadaha haya badeecadda ay goobayaan. Hadii aadan lahayn website waxaa macquul ah in qofkii uu raadsado shirkado kale oo uu ka heli karo waxa uu raadinayo halkaasoo ay ku lumayso kalsaanida macmiilku u hayay shirkaddaada.

Dhaqaale kuu Baaqda

Hadii aad website leedahay waxaad si xoog leh u yaran kartaa dhaqaale fara badan oo aad ku bixin lahayd xayeysiinta ganacsigaaga, ha noqoto idaacad, boorar ama xayeysiin TV. Hadii aad xoogga saarto in shirkadaadu yeelato website soo jiidasho leh waxaad ka wareegi kartaa xayeysiintii aad lacagta badan ku bixin jirtay adigoo macaamiil fara badan ka heli kara internetka.

Xilli Kasta oo Lagu Heli Karo

Inaad leedahay website waxay la micne tahay in dukaankaagu furan yahay 24 saac habeen iyo maalinba waxaana fududaanaysa in qofku markuu doono, siduu doono iyo qaabkuu doono usoo geli karo websitekaaga uga bogan karo wixii macluumaad ahaa ee ku jiray adiguna aad ka seexan karto gurigaaga maadaama ganacsigaagu furan yahay saacad kasta.

Wakhti Kuu Baaqda

Sida aan kor ku xusnay oo ah in dhaqaale badan kuu baaqan karo markaad website leedahay ayaa sidoo kale waxaa kuu baaqan kara wakhti badan oo aad ku bixin lahayd inaad macaamiisha u sharaxdo qaabka badeecadaada loo isticmaalo iyo waxa aad uga duwan tahay shirkadaha kale. Waxaa kugu filan adigoo maqaal ka qora noocyada badeecadaha aad hayso amase hal video ka duuba adigoo sharaxaya adeegyada aad bixiso, sida lagu heli karo iyo qiimaha lagu heli karo. Halkaas muuqaal ee aad duubto soona dhigto websitekaaga ayaa kumanaan macaamiil ahi daawan karaan adigoo halkaas ku baajiyay wakhtigii badnaa ee kaaga bixi lahaa inaad mid mid ugu sharaxdo adeegyadaa bixiso.

Suuq-geynta Badeecadaha Cusub

Markii aad yeelato macaamiil badan waxaa kuu suura galaya inaad websitekaaga kusoo bandhigto xayeysiin ku aadan badeecadaha cusub ee aad kusoo kordhinayso ganacsigaaga iyadoo ay aad kuugu sahlanaanayso inaad gaarto macaamiil fara badan kuna soo jiidato kuwa cusub adigoo u sameynaya qiima dhimis. Halkan ka baro casharada suuq-geynta ee ILISOMALIA.

Somalia And Internet – Faa’iidada Websiteku u Leeyahay Ganacsigaaga:

Dalabmedia Web Design SERVICES – Adeegyadeena
Dalabmedia Website & Email Marketing

Somalia Internet - Dalabmedia Faa'iidoonka Websiteku u leeyahay Ganacsigaaga


We are a Web Designing and Hosting Services Provider in Mogadishu Somalia. Founded in 2017, Dalabmedia has quickly grown to become a leader in Professional Web Designing and offers superior, reliable and affordable Web Hosting to individuals and small businesses.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *